xulka dhagaxjibis oo 6 iyo-0 uga badiyay xulka Gaadiidka.

0
96

Baladweyne(Radio Beerlula)-Garoonka buulaxaableey ee magaalada Baladweyne waxaa si habsami leh ugu socdo tartanka Ramadaan Cup oo loo qabtay Kooxaha ka dhisan Magaalada Baladweyne.

Galabta waxaa fooda is dari kooxaha Gaadiidka iyo Dhagax jibis oo ka kala dhisan Xaafadaha Raadeer iyo dhagax Jibis.

Labada koox ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo koox waliba ay dooneysay in guul gaadho balse lugta koowaad ee tartanka waxaa guul muhiim gaadhay Kooxda dhagaxa Jibis oo dhigeeda gaadiidka ugu adkaatay 6 iyo 0.

Gaadiidka kulanka labaad waxaa qasab ku ah in ay la timaado 6 gool iyo wax kabadan hadii ay dooneeyso In ay kasii qayb ahaato Tartanka.