Xuska maalinta Caalamiga Cadaalada oo maanta dunida oo maanta ku beegan

0
46

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guud ahaan dunida 20 Febraayo sanadkasta maanta oo kale ayaa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Caddaaladda bulshada.

Maalinta Cadaaladda bulshada ayaa looga gol leeyahay in lagu muujiyo baahida loo qabo in kor loo qaado caddaaladda bulshada, taas oo horseed u ah dadaallada wax looga qabanayo arrimaha saboolnimada sinnaan la-aanta jinsiga, shaqo la-aanta, xuquuqda aadanaha, iyo ilaalinta bulshada.

26 Noofambar 2007, Golaha Guud wuxuu ku dhawaaqay in, laga bilaabo kalfadhiga saddex iyo
lixdan ee Golaha Guud, 20 Febraayo loo dabaaldegi doono sannad kasta

Wasiiru dowlaha wasaaradda cadalaadda iyo garsoorka Hirshabeelle Mahad Maxamed Xassan ayaa ka waramaya ahmiyadda maalintan iyo dib u habeynta lagu sameeyay garsoorka deegannada Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cabdulle oo kamid waxgaradka Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimadda Cadaalada aay leedahay

Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay baahida ay u qabaan ineey helaan cadaalad

Xuska maalintan ayaa muhiim u ah in diiradda la saaro natiijooyinka caddaaladda dhinacyada shaqada, ilaalinta bulshada, wada hadalka , mabaadiida aasaasiga ah ee xuquuqda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.