Xuska maalinta is cafiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Baladweyne

0
397

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabaddan oo lagu xusayo maalinta is cafiska  Soomaaliyeed oo ku beegan 28-ka juun,  ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne waxaan ka qeyb galay wasiir, xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka midnimada gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi iyo xubnaha kale ee ka qeyb galay munaasabadda ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la is cafiyo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle Muumin Tuure Cabdulahi ayaa sheegay in hadii la is cafiyo guul iyo horumar la gaarayo.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here