Ardeyda magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo tageeray go’aankii lagu joojiyay imtixaankii qaran.

0
738

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Garbaharey  ee gobolka Gedo lagu qabtay banaanbax lagu tageerayo go’aankii wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya ku joojisay  imtixaankii  qaran ee ka socday dalka.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay ardeyda  ka qeyb galeysay  imtixaanka qaran kuwaasoo tageeray go’aanka  wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax  Barre uu  ku joojiyay  imtixaanka kadib markii qish fara  badan ay  heleen  ardeyda.
Qaar ka mid ah ardeyda  ka qeyb galay banaanbaxan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la joojiyo  islamarkana mar kale ay  diyaar u yihiin inay ka qeyb  galan imtixaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here