Baladweyne: Dhalinyaro is xilqaantay oo bilaabay inay wax baran dhalinyarada danyarta

0
638
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyaro badan oo ku nool magaalada Baladweyne islamarkana wax
bartay ayaa bilaabay inay si lacag la’aan ah wax u baran caruurta
danyarta  ee  aan awoodin inay iska bixiyaan lacagaha iskuulka.

Ina ka badan 50 ardey ayay diwaangeliyeen balse waxay qorsheynayaan
inay wax baran 100 dhalinyaro ah.

Dhalinyaradan ayaa furay iskuul lagu magacaabo hormuud kaasoo ku
yaalla agagaarka irid aamin ee magaalada Baladweyne.

Feysal Cismaan Maxamed oo ka mid ah maamulka iskuulka Hormuud ayaa
Radio Beerlula uga warmay qorshahan ay wax ku barayaan dhalinyaradan.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ka faa’ideystay waxbarashada lacagtan ayaa Radio Beerlula u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wax baratan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here