Haween ku nool Baladweyne oo bilaabay inay bartan xirfad ay ku shaqeystan

0
402

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 34 haween ah oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa bilaabay inay bartan xirfadda dhar tolista si nolosha reerkooda ay mareeyaan.

Haweenkan ayaa wax ka barata iskuulka Nuural Cilmi oo ku yaalla Xaafada Holwadaag ee Magaalda Baladweyne.

Maamulaha qeybta Xirfada Barashada Xarqaanka schoolka Nuural Cilmi Khadro Aadan Cabdi ayaa radio Beerlula uga warantay Qabka Hawenkan Wax loo Baro.

Sidoo kale Qaar kamid ah haweenka Barta Xirfada Xarqaanka ama Dhar Tolista ayaa Radio Beerlula u sheegay in marka ay bartan xirfaddan ay ku mareyn doonaan nolosha reerkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here