Carwooyin Casri ah oo lagu iibiyo taleefoonno loo doonan jiray Muqdisho iyo Nairobi oo laga furay Baladweyne

0
285

Baladweyne(Radio Beerlula)- Inkastoo xiligan dhaq dhaqaaqa ganacsiga magaalada Baladweyne hoos u dhac laga dareemayo kadib markii lacagta shilinka Soomaaliga ay ka suushay magaalada ayaa haddana waxaa jira dhalinyaro abuurtay ganacsi kala duwan.

Ganacsigan ayaa u badan kuwa lagu iibiyo qalabka elekarooniga iyo taleefoonnada casriga kuwaasoo markii hore laga doonaan jiray magaalada Muqdisho balse hadda looga maarmay goobahan ganacsi ee laga hirgeliyay Baladweyne.

Qaar ka mid ah dhalinyarada abuurtay goobahan ganacsi ee lagu iibiyo taleefonnada casriga  ayaa radio beerlula uga waramay qiimaha la iibiyo iyo faa’idada bulshada ay ka dhax leen furitaanka goobahan.

Qaarka mid ah bulshada Baladweyne islamarkana baahi weyn u qabay furitaankan goobaha ayaa radio Beerlula u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay helan iyagga oo jooga gurigooda taleefoon casri ah.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here