Ciyaartoyda Chelsea Oo Gadood Sameeyay

0
58

Baladweyne ( Radio Beerlula )–Qalaalaase daaha gadaashiisa ah ayaa ka jira qolka labiska Stamford Bridge iyadoo qaar ka mid ah xiddigaha Chelsea lagu soo waramayo inay ku baaqeen in Mauricio Pochettino  la beddelo dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay qortay Daily Star.

Tababarihii hore ee Tottenham ayaa ku fashilmay inuu Chelsea ka dhigo koox tartameysa, waxaana fashilkiisa cadeyn u noqday markii ay ku guuldareysteen inay ka badiyaan 10 ciyaaryahan oo Burnley ah.

Ciyaartoyda Blues ayaa garoonka ka baxaya dhamaadkii ciyaarta iyadoo ay ku oorinayaan taageerayaashooda kuwaasoo aan ku faraxsaneyn inay arkaan kooxdooda oo isbuuc walba rafaadeysa.

Si kastaba, waxaa haatan mudaharaadkooda ku soo biiray ciyaartoyda kooxda kuwaasoo u muuqda inay ka careysan yihiin jihada ay kooxda u socoto.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa u cadeeyay milkiilayaasha kooxda inay doonayaan inay arkaan tababare cusub oo fadhiya kursiga keydka Stamford Bridge xilli ciyaareedka soo socda.

Milkiilayaahsa kooxda Todd Boehly iyo Behdad Eghbali ayaa ka warqaba qalalaasaha ka dhex jira qolka labiska, inkastoo aan weli go’aan laga gaarin haddii ceyrin kale ay sameyn doonaan.

Tababarihii hore ee Southampton ayaa ku adkeysanaya inuu kooxda guulo ku hogaamin karo haddii waqti la siiyo, balse waxa jira walaacyo kooxda dhexdeeda ah ku saabsan sida ay ciyaartoyda uga falcelinayaan tababarkiisa.

Sidoo kale inay ciyaartoydiisa gadood sameeyaan ayaa muujineysa inuu dhumiyay kalsoonidii qolka labiska.

Pochettino ayaa rajeynaya in kooxdiisa ay ku soo laaban doonto wadada guusha marka ay martigeliyaan Manchester United habeenka Khamiista.