kooxaha Iftin iyo dalxiiska oo galabta ku hardami doona Baladweyne

0
60

Baladweyne( Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa si habsami leh uga socda tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan kaasoo galabta  fooda ay isku dari doonaan kooxaha Iftin iyo Dalxiiska.

Kooxda Iftin ayaa kulankii hore 5-4 uga badisay kooxda dalxiiska.

Labada kooxood ayaa mid kasta dadaal ugu jirta galabta inay gaarto guul muhiim ah oo ay ugu gudbi karto wareega saddexaad ee tartanka.