Dal ka hortagaya tuugsiga xiliga ramadaanka

0
64

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Booliska Dubai ayaa shacabka uga digay inay ka feejignaadaan dadka Imaaraatka ku imaanaya fiisaha booqashada si ay lacago ay tuugsadaan uga helaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Waa bil ay inta badan dadka muslimiinta ah ku dadalaan baxsashada sadaqada, ciidanka ayaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan hoos u dhiga dadka Dubai ugu soo dhoofaya tuugsiga maadaama ay arkaan kororka dalxiiska dawarsiga, halkaas oo dambiilayaasha ay uga faa’iideystaan dadka deggan Imaaraadka Carabta.

Ololaha ay Booliiska Dubai ku doonayaan inay kaga hortagaan tuugsiga xad dhaafka ah ee bisha Ramadaan ayaa hore u soo qabtay haweenay ilmo yar oo ay dhashay ku tuugsaneysay xilli ay uruursatay lacag dhan 30,000 oo Dirham oo u dhiganta ($8,168