Dayactir lagu bilaabay garoonka diyaaradaha degmada Xudur

0
45

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka Dowalad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa dib u dayactir kusameeyneeyso qeybta diyaaradaha ku ordaan ee loo yaqaano Ranweyga ee garoonka diyaaradaha kadib markii burbur xoogan uu soo gaaray qeybtan taasoo keentay in hakad la galiyay duulimadyadii ka soo degi jiray garoonka Diyaaradaha degmada Xudur ee Gobalka bakool.

Dhismaha Garoonka ayaa dhismahiis waxaa iska kaashanaayo maamulka gobalka bakool kan degmada wasaaradda Gaadiidka. Cirka iyo dhulka Dowalad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo bulshada degmada xudur.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.