Dhaqaatiirta ka howlgala degmada Maxaas oo ku guuuleystay inay qaliin ku sameeyaan wiil yar oo xaladisa wax looga qaban waayay Muqdisho.

0
573

Baladweyne(Radio Beerlula)- isbitaalka degmada maxaas ayaa qaliin loogu sameeyay salmaan ciise xuseen oo da,diisu tahay sanad iyo bar kaas oo xaaladiisa  caafimaad wax looga qaban waayay  isbitaalada magaalada  muqdisho waxaana salmaan qaliinka looga sameeyay xidida saxrada qaado oo uu ka xanuunsanaa

Ciise xuseen oo ah aabaha dhalay wiilkan yar oo qaliinkiisa lagu guuleeystay ayaa u mahadceliyay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka degmada  maxaas ee gobolka hiiraan

Agaasimaha isbitaalka degmada maxaas dr maxamad xuseen cabdulle oo ah dhaqtarka qaliinka sameeyay ayaa sheegay in xanuunka wiilka yar ku dhacay uu yahay mid dhif ku ah dunida waxana uu ka warbixiyay sida ay u sameeyeen qaliinkan.

Warbixintan waxaan noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here