Erdogan oo ku dagaalamaya in uu mar kale gacanta ku dhigo Ankara iyo Istanbul.

0
64

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Duqa haatan ee magaalada Istanbul kana socda dhanka mucaaradka – Ekrem Imamoglu- ayaa u arka dib u doorashadiisu in ay tahay talaabo uu u qaado dhinaca madaxweynenimada, isaga oo doonaya in uu badalo Erdogan marka ay dhacdo doorashada sanadka 2028 da.

Laakiin hadii Erdogan uu ku guuleysto magaalooyinka waawayn ayaa falanqeeyayaasha siyaasaddu waxay leeyihiin wuxuu uga faa’iideysan doonaa in uu keeno dastuur cusub oo conservative ah.

Codeynta ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli ay jirto xaalad dhaqaale xumo oo ay qayb ka tahay sicir barar baahsan oo ah ku dhawaad todobaatan boqolkiiba.