Garoonka labaad ee ugu mashquulka badan dunida oo shaqadiisa dib u bilaabaya

0
32

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Garoonka diyaaraddaha Dubay ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu furmaya, xili ay yaraadeen daaddad kii ku soo rogmday.

Hawllaha garoonka Dubay ayaa waxa si wayn u carqaladeeyay roobbab maahiigaanna oo ka day’ayay Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dallalka kale ee gobolka.

Roobbabka ayaa watay dabeylo, waxayna soo rogeen daaddad harqiyay gudaha iyo dibadda garoonka.

Daaddadka ayaa 20 qof ku dilay dalka Cumaan, qof kalena waxa uu ku dhintay Isutagga Imaaraadka Carabta.