Mashruuc ka shaqaynaya xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo laga furay Kismaayo

0
31

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Arrimaha gudaha fadaraalka iyo dib u hishiinta maamulka Jubbaland oo kaashanaysa dawladda Ingiriiska ayaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay mashruuca Daris-wanaag oo ka shaqaynaya xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Daahfurka mashruucan waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland, Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Faderalka soomaliya iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq