Goobaha lagu iibiyo hadyadaha la is guddoonsiyo oo ku soo badanaya Baladweyne

0
345

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku taalla bartamaha Soomaaliya islamarkana xiriir ganacsi la leh magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay magaalada ku soo kordhay ganacsi yaro hor leh.

Magaalada ayaa laga hirgeliyay goobo ganacsi oo lagu iibiyo hadyadaha taasoo markii hore ka jirin.

Qaar ka mid ah ganacsatada hindisay ganacsiyadan oo baahi weyn loo qabay ayaa Radio Beerlula uga waramay sababta ku dhalisay iyo faa’idada laga helay.

Dhalinyarada magaalada Baladweyne oo qaarkood la hadlay Radio Beerlula ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in magaalada laga hirgeliyo goobo ay ka heli karan hadyadaha ay u baahan yihiin.

Warbixintan waxaa noo heysa Kowsar Khalif Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here