Group-ka C ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo Xalay la soo gabagabeeyey

0
456

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa Xalay la soo gabagabeeyey Group-ka C ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, iyadoo labo xul ay si toos ah uga soo baxeen Guruubkan.

Xulka qaranka Algeria ayaa 3-0 uga adkaaday Tanzania si la mid ah xulka Senegal oo 3-0 diray dalka Kenya.

Xulka Algeria ayaa sidaas ku gaaray guushiisii saddexaad oo xiriir ah isagoo Guruubkan C kaalinta koowaad ka galay iyagoo leh sagaal dhibcood.

Dhinaca kale Senegal ayaa 3-0 uga adkaaday Kenya oo kaarka cas laga qaatay xilli Sadio Mane uu labo jeer shabaqa soo taabtay.

Xulka Senegal ayaana Sido Kale sidaas kaalinta labaad kaga soo baxay Guruubka C iyadoo leh lix dhibcood, xulka Kenya ayaana sugi doona illaa Caawa si ay u ogaadaan inay kaalinta saddexaad xulka ugu wanaagsan kaga gudbaan heerka guruubyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here