Hadal heynta suuqa kala Iibsiga iyo wargeeysyada Yurub

0
405

Baladweyne(Radio Beerlula)- Chelsea ayaa Frank Lampard u magacaabi doonta tababarahooda cusub isbuucaan gudahiisa. (London Evening Standard)

Leicester City ayaan qorsheyneynin inay iibiso Harry Maguire, sida kaliya ee ay ku iibin karto waa kooxaha Manchester ee saxiixiisa ku dagaalamaya oo dalabkooda kor u dhaafiya 100 milyan ginni. (Manchester Evening News)

Manchester City ayaan xiiseyneynin daafaca Napoli Kalidou Koulibaly, daafacana laguma arkin liiska u qoran Manchester City ee ciyaartoyda ay dooneyso inay ku bedehso Vincent Kompany (Manchester Evening News)

Arsenal ayaa ku qasban inay jabiso rikoorka suuqa kala iibsiga ee Celitic ee 19ka milyan ginni haddii ay doonayaan inay qaataan daafaca bidix Kieran Tierney. (Standard)

Arsenal ayaa isha la raaceysa xiddiga u soo baxaya Brazil ee garabka ka ciyaara Gabriel Martinelli iyagoo ka gudbinaya dalab 5.1 milyan ginni ah. (London.Football)

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos looma ogolaan doono inuu Bernabeu uga tago lacag ka yar 50 milyan euro xagaagan. Tottenham ayaa lagu waramayaa inay xiiseyneyso. (AS)

Kooxaha xafiiltama Premier League ee Liverpool iyo Manchester United ayaa si fool ka fool ah ugu tartami doona saxiixa daafaca bidix ee Real Betis Junior Firpo. (Marca)

Dani Alves ayaa u soo bandhigay kooxdiisa hore ee Barcelona inay u ogolaato inuu ku soo laabto Camp Nou ka dib markii uu xaqiijiyay inuu ka tagayo PSG. Si kastaba, Barcelona ayaan dooneynin inay soo ceshato 36 jirkaan. (Marca)

Atletico Madrid ayaan wax dalab ah u helin weeraryahan Diego Costa. Inkastoo xilli ciyaareed xun uu soo maray isagoo dhaliyay kaliya labo gool oo La Liga ah 14 kulan uu ku soo bilowday, xiddiga reer Spain ayaa waxaa weli kalsooni ku qaba tababare Diego Simeone. (AS)

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay dalab u soo bandhigto xiddigii hore ee ka qalanjabiyay akadeemigeeda Dani Olmo. Weeraryahanka ayaa wacdarro u dhigaya xulka Talyaaniga ee ka qeyb galaya Koobka Qaramada Yurub ee da’dooda ka hooseysa 21 jirada, waxaana uu haatan u ciyaaraa kooxda reer Croatia ee Dinamo Zagreb. Bayer Leverkusen ayaa durbaba ku dalbatay 25 milyan euro. (Marca)

Haddii Juventus ay dhameystirto saxixia daafaca Ajax De Ligt, xiddiga reer Holland waxa uu noqon doonaa ciyaaryahanka labaad ee ugu mushaharka badan kooxda ka dib Cristiano Ronaldo iyo ciyaaryahanka labaad ee kooxda ee mushaharkiisa uu gaarayo tobanaan milyan. (Tuttomercato)

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay Lucas Torreira ka iibiso AC Milan ka dib markii kooxda Talyaaniga ay dalab furitaan ah ka soo gudbisay xiddiga reer Uruguay. (Sport Mediaset)

Kabtanka Roma Alessandro Florenzi ayaa diirada u saaran Inter. Roma ayaa ku qiimeyneysa xiddigaan 30 milyan euro taasoo Inter ku qasbi karta inay ciyaaryahan ku darto heshiiska gaar ahaan Dalbert. (Sport Mediaset)

Roma ayaa dooneysa inay xoojiso daafaceeda iyadoo muhiimsan siineysa daafaca Sampdoria ee Joachim Andersen kaasoo sidoo kale ay dooneysay Arsenal iyo daafaca Napoli Elseid Hysaj. (Il Messagerro)

Agaasimaha cusub ee AC Milan Paolo Maldini ayaa la kulmay daafaca garabka ka ciyaara ee Real Madrid Theo Hernandez kaasoo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay kooxda Real Sociedad. (Tuttomercato)

Inter Milan ayaa ku biirtay tartanka xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Lille Nicolas Pepe iyagoo ku dalbaday xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivory Coast lacag gaareysa 80 milyan ginni. Liverpool ayaa sidoo kale dooneysa 24 jirkaan. (L’Equipe)

Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya xiddiga garabka ka ciyaara ee Marseille Florian Thauvin. Ciyaaryahankii hore ee Newcastle ayaa ka mid ah hantida ugu qaalisan ee Marseille iibin karto madaama ay dooneyso inay ka fogaato ku xadgudubka sharciga dhaqaale wanaaga Yurub. (Le10sport)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here