Hakad ku yimid qeybta gurmadka deg deg ah iyo qaliinka isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ee Baladweyne

0
353

Baladweyne(Radio Beerlula)- Agaasimaha  isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne Dr Axmed Maxamed Qaliif oo u waramay  Radio Beerlula ayaa  sheegay in hakad ku yimid qeybta qaliinka iyo gurmadka deg deg  ee isbitaalka kadib markii ay ka baxsaday hay’adda sasfi.

Axmed Maxamed Khalif ayaa sheegay in xiligan isbitaalka ay soo food saartay xaalad adag isagoo ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle inay  gurmad la soo gaaran.

Isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ayaa inta badan lagu dabiiba bukaano laga kala keenay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo gobollada dalka kuwaasoo xiligan ay soo food saartay caqabad xooggan maadaam ay meesha ka baxsaday adeegyadii ay ka heli jireen isbitaalka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here