Trump oo lumiyay xubintii ugu muhiimsanayd golihiisa wasiirada.

0
336

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha muranka badan dhaliyay ee gidaarka ayaa xilkii iska casishay.

Haweenayday ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka shaqaynaysay wasaaraddan.

Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweenayday uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan.

Waxa ay haweenaydan mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka iyo kan ka hortagista dadka soogalootiga ah, gaar ahaan in la kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.

Ma aysan sheegin wax sabab ah oo ay xilka u banaysay, balse waxa ay sheegtay in ay tahay waqtigii ugu haboonaa ee an xilka ka degto marka la barbardhigo kolkii ay maamulka ku biireysay.

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu xiri doono xudduuda Mexico, balse hadalkaas waa uu ka laabtay, wuxuuna sheegay in dowladda Mexico uu siin doono muddo sannad ah si ay u joojiyaan daroogada iyo muhaajiriinta soo gudbaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here