HORDHAC : Tottenham VS Man City ?

0
421

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Tottenham ayaa garoonkeeda cusub ku soo dhaweyneysa Kooxda Man City kulanka lugta koowaad ee wareega sided dhamaadka ee tartanka Champions League .

Kani waa kulan aan dab yar shidi doonin waa markoodii ug horeeyey ee ay isku arki doonan tartaamda Yurub , City wax ay doonayaan in sandkan ay sameeyaan wax aysan waligood horey u smaeen oo ah in ay ku guuleystaan afar koob halka Tottenham ay ku rajo weynatahay in ay gaarto wareega xiga ee tartanka .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Mauricio Pochettino ayaa ka dhowr sugaya kooxda caafimaadka si ay u xaqiijiyaan xaalada xidiga jooga dheer ee  Fernando Llorente in uu diyaar u nqoon karo kulanka ay soo dhaweenayaan  Manchester City, lkn waxaa safka kulanka laga saarat Eric Dier, Serge Aurier iyo Erik Lamela .

Pochettino ayaa  loo badinayaa in weerarkiisa  labada garab uu u soo xulanayo labada laacib  ee  Son Heung-Min iyo Lucas Moura..

Si walbo ha ahaatee macalinka kooxda  Spurs  ayaa qeebta dhexe ee bur burinta u isticmaalai kara Harry Winks oo caawin doono sedexda daafac ee dambe halka Dele Alli uu dhankiisa caawin doono Harry Kane.

Dhica kale Kooxda martid ah ee City waxaa kulankan aan la soo safrin Oleksandr Zinchenko iyo Fabian Delph kuwaas oo seegaya kulankan.

Benjamin Mendy oo dib dhaawac ugau soo laabtay muddo dheer kaddib aya ala ciyaarsiiyey 79-daqiiqo oo ka mid ah kualnkii FA Cup balse looma badinayo in kulankan uu ku soo bilaaban doono Aymeric Laporte loo is ticmaali doono dambeedka daafca bidix .

John Stones, Nicolas Otamendi iyo Vincent Kompany ayaa dhamaantood ku dagaalamaya labda xidig eee ku soo bilaabanaya daafca dhexe xili meesha aysan ka mareen dooqa  macalin Guardiola .

Guardiola ayaan wax cabsi ka qabin xaalada weeraryahankiisa  Sergio Aguero kaas oos seegay labo kulan oo hore balse waxa uu dib ugu soo laabanayaa kulanka caawa .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Tottenham VS Man City ( Champions League )

Goobta : Tottenham Hotspur Stadium

Goorta : 10:00 oo habeenimo

Garsoorka : Bjorn Kuipers (Netherlands)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey kulanka:

Tottenham ayaan marna wajihin kooxda ingiriis ah  tartamada yurub tan iyo  April 1973,markaas oo ay wajeheen Kooxda Liverpool oo markaas u gudubtay wareega semi-finalka.

Manchester City ayaa qasaartay dhamaan afartii kulan ee ay la ciyaarto kooxaha reer England , 1970 ayey qasaaro kala kulmeen Kooxda Chelsea oo ay is ku arkeen wareega afar dhamaadka  waxaana laga badiyey is araga labada kulanba , sidoo kale waxa ay qasaaro kala kulmeen Kooxda Liverpool sandkii hore  heerkan oo kale iyaga oona laga badiyey is araga labada lug .

Waa kulankii ugu horeyey ee taariikhdooda ay isku arkaan tartan yurub Kooxaha Tottenham iyo Man City  oo horey u soo wada ciyaaray 157-kulan oo dhamaan tartamada ah .

City ayaa badisay 11 –ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo Spurs  , kulamada kalana mid ka mida ayey bareejo  ayey galeen halka 4-guul daro ay soo gaartay Man City dhamaan kulamadaasna waa tartanka Premier League .

Spurs waa markoodii labaad oo ay soo garaan wareega quarter-finalka ee Champions League  horey waxa ay u soo tiigsadeen sand ciyareedkii 2010-11 balse waxa ay guul daro xanuun badan ay kala kulmeen Kooxda Real Madriid oo 5-0 kaga adkaatay .

Safafka macquulka ee labada Koox :

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here