Horudhac: Barcelona vs Real Betis

0
544

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa isha ku haysa inay guuleysato kulan horyaalka La Liga markii ugu horreysay muddo bil ah marka ay garoonkooda Camp Nou ku soo dhaweynayaan Real Betis maqribnimada maanta oo Sabtida ah.

Kooxda Tababare Ronald Koeman ayaa qaab niyad jab leh ku bilowday xilli ciyaareedkan, waxaana ay heleen kaliya siddeed dhibcood lix kulan oo ay ciyaareen, iyagoo haatan fadhiya kaalinta 12-aad ee kala horreynta horyaalka La Liga.

Dhinaca kale Betis ayaa dhankeeda ku jira kaalinta todobaad ee kala horreynta horyaalka La Liga kaddib markii ay 12-dhibcood heleen siddeed kulan oo ay ciyaareen horyaalka illaa iyo haatan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti 07 Nof  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 06:15 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Guillermo Cuadra (Spain)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here