Horudhac: Chelsea vs Sheffield United

0
649

Baladweyne (Radio Beerlula)-Haddii ay Chelsea guuleysato kulankan, waxa ay u soo dhaqaaqi doontaa meel ku dhow hoggaanka horyaalka Premier League, waxaana ay hal dhibic u soo jirsan doontaa Liverpool.

Blues ayaa caawa guul u baahan kulanka ay garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhoweynayso naadiga Sheffield United si ay ugu yaraan hal dhibic ugu jirsato hoggaanka horyaalka Premier League.

Wiilasha Tababare Frank Lampard ayaa dib u saxay qaladkooda daafac, waxaana ay iska xoojiyeen daafacooda, iyadoo goolhaye Mandy uu sabab u noqday in kulammo dhowr ah aan gool laga dhalin shabaqa uu waardiyaha ka yahay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 07 Nof  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 08:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Jon Moss (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here