Ingiriiska oo dadka magangalyo doonka ah u wareejin doonta goobo cusub loogu tala galay.

0
160

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowlada Ingiriiska ayaa dadka magangalyo doonka ah u wareejin doona goobo cusub
Dowladda Ingiriiska, ayaa dajisay qorshe ay kaga rarayso dadka magan galyo doonka ah hoteelada iyo goobaha kale ee ku yaalla magaalooyinka.

Dadkan ayaa loo wareejin doonto goobo markii hore ahaa saldhigyo ciidan oo ku yaalla bannaanka magaalooyinka.

Doodda dowladda ee arrintaan ku aaddan ayaa ah in dadkaan meelaha ay degganyihiin uu kaga baxo qarash badan iyo in ay dooneyso in ay ku xakameyso qulqulka qaxootiga.