Internetka oo wali ka maqan Itoobiya

0
405

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maalintii afraad ayuu internerku ka maqan yahay dalka Itoobiya, inkastoo qaybo ka mid ah Talaadadii iyo iyo Arbacadii uu si ku meelgaar ah u soo noqday, balse Khamiistii ayaa markale la jaray.

Waxaa sidoo kale wali maqan adeeggii fariimaha gaaban la isugu dirayay.

Jarida internet-ka ee dalka Itoobiya ayaa loo aaneynaya imtixaanka qaran ee shahaadiga oo ka socda dalkaasi balse ilaa hadda dowladda wax faah fahin kama bixin.

telefeshinka qaranka Itoobiya ee loo soo gaabiyo  ETV ayaa arabacdii ku warramay in la qabtay afar arday  qishayay imtixaanka islamarkana jawaabaha iskugu dirayay  fariinta gaaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here