Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa soo idlaaday wareega group-yada tartanka Qaramada Latin America ee Copa America iyadoo sideed kooxood ay isagu soo hareen wareega sideed dhamaadka
Uruguay ayaa xalay kaalinta 1aad uga soo baxday Group C ka dib markii ay 1-0 ku uga Adkaadeen xulka Chile
Japan oo rajo ka laheyd inay kaalinta seddexaad ku soo baxdo ayaa barbaro 1-1 kala kulantay xulka Ecuador iyadoo labada xulba ay ku hareen wareega group-yada.
waxaa dhameystirmay isku aadka wareega sideed dhamaadka Copa America oo bilaaban doona 27ka bishaan Juun.
Isku Aadka Wareega 8da Copa America:
27ka Juun – Brazil vs Paraguay.
28ka Juun – Venezuela vs Argentina.
28ka Juun – Colombia vs Chile.
29ka Juun – Uruguay vs Peru.