Jose Mourinho Oo Loo Magacaabayo Koox Premier League Ah

0
75
MADRID, SPAIN - MAY 22: Head coach Jose Mourinho of Inter Milan celebrates his team's victory at the end of during the UEFA Champions League Final match between FC Bayern Muenchen and Inter Milan at the Estadio Santiago Bernabeu on May 22, 2010 in Madrid, Spain. (Photo by Shaun Botterill/Getty Images)

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa dib ugu soo noqonaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyadoo loo magacaabayo koox ku fadhida qasnad ay lacag ka buuxdo, taas oo u ogolaan doonta inuu soo iibsado ciyaartoyda uu doonayo.

Jose Mourinho oo ka mid ah tababareyaasha ugu sumcadda badan kubadda cagta, ayaa shaqo la’aan noqday bishii January hor markii ay AS Roma shaqada ka eriday, kaddib natiijooyin aan fiicnayn oo ay kooxdaasi ka keentay garoomada.

Mourinho oo Sucuudiga ku sugnaa usbuucii hore oo uu ku daawaday ciyaartii feedhka ee u dhaxaysay Anthony Joshua oo u dhashay Ingiriiska balse asal ahaan kasoo jeeda Nigeria iyo Francis Ngannou, ayaa waxa la sheegay inay is-arkeen masuuliyiinta kooxda Newcastle United oo doonaysa inay u magacowdo tababaraheeda cusub.

Xilli-ciyaareedkan oo ay ku jiraan booska tobnaad ee Premier League oo ay ka maqnaanayaan Champions League xilli-ciyaareedka dambe maadaama ay 16 dhibcood ka dambeeyaan kooxda kaalinta afraad fadhida, ayaa waxa ay mulkiileyaasheedu doonayaan inay isbeddel tababare sameeyaan.

Eddie Howe ayaa shaqada laga caydhin doontaa sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayso, waxaana lagu beddeli doonaa Jose Mourinho.