Sababta Ay Arsenal Uga Walaacsan Tahay 10ka Ciyaarood Ee U Hadhay Iyo Niyad-samaanta Liverpool & Man City

0
71

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Arsenal waxa ay hoggaaminaysaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, haddana waxa ay ku jirtaa xaalad walaac ah marka loo eego kooxaha ay tartamayaan ee Liverpool oo ay isku dhibco yihiin iyo Manchester City oo hal dhibic ka dambaysa.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay 10 ciyaarood ka hadhsan yihiin, waxa la filayaa in si adag loogu dagaallami doono illaa dhamaadka oo ay isku dhegsanaan doonaan saddexda kooxood ee uu u dhexeeyo loollanku.

Arsenal oo 20 sannadood ka qatanayd horyaalka Premier League ayaa markan fursad fiican haysata, waxaana caawiyey bandhigga siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay si xidhiidh ahaa usoo guuleysteen isla markaana goolal badan kusoo badiyeen.

Sidaas oo ay tahay, Gunners waxa ay rumaysan tahay in kulamada u hadhay ay yihiin kuwo adag marka loo eego kooxaha kale ee ay is-hayaan ee Man City iyo Liverpool, waxaana cabsidooda sii kordhinaysa sidii ku dhacday xilli-ciyaareedkii hore oo labadii bilood ee ugu dambeeyey ay is-dhiibeen isla markaana ay Man City shan dhibcood dhaaftay oo ay horyaalkana ku guuleysatay.

Arsenal waxa ay ciyaarteeda ugu soo horreysa ee marka laga soo noqdo kulamada caalamiga ah ay marti u noqon doontaa Manchester City, sidoo kalena waxa u hadhsan Manchester United, Tottenham, Brighton, Aston Villa, Chelsea iyo kooxo kale, waxaanay ka kulamo adag yihiin naadiyada kale, sida ay rumaysan yihiin jamaahiirta kooxdu.

Tobanka kulan ee u hadhsan Arsenal, waxa ugu jira afar kooxood oo waaweyn, waana Man City, Man United, Chelsea iyo Tottenham, waana sababta walaaca ugu weyn ku ridaysa.

Liverpool oo kaalinta labaad fadhida, marka laga soo noqdo kulamada caalamiga ah waxa ay garoonkeeda ku qaabbili doontaa Brighton, waxaase sidoo kale naadiyada ay tobanka kulan la dheelayaan ku jira Manchester United, Fulham, West Ham, Tottenham, Aston Villa iyo Everto.

Manchester City, waxa marka ay laga soo noqdo ciyaaraha caalamiga ah ay garoonkeeda kusoo dhoweyn doontaa Arsenal, waxaana ugu xigi doonta Aston Villa, halka koox adag oo kale oo la tilmaami karana ay naadiyada u hadhay ku jiraan Tottenham iyo Fulham.

Halkan kaga bogo min tobanka kooxood ee u hadhay Arsenal, Liverpool iyo Man City:

Arsenal

March 31: Manchester City (A)
April 3: Luton (H)
April 6: Brighton (A)
April 13: Aston Villa (H)
April 20: Wolves (A)
April 27: Tottenham (A)
May 4: Bournemouth (H)
May 11: Manchester United (A)
April 19: Everton (H)
TBC: Chelsea (H)

Liverpool run-in:

March 31: Brighton (H)
April 4: Sheffield United (H)
April 7: Manchester United (A)
April 14: Crystal Palace (H)
April 20: Fulham (A)
April 27: West Ham (A)
May 4: Tottenham (H)
May 11: Aston Villa (A)
May 19: Wolves (H)
TBC: Everton (A)

Man City

March 31: Arsenal (H)
April 3: Aston Villa (H)
April 6: Crystal Palace (A)
April 13: Luton (H)
April 20: Tottenham (A)
April 27: Nottingham Forest (A)
May 4: Wolves (H)
May 11: Fulham (A)
May 19: West Ham (H)
TBC: Brighton (A)