Juventus oo cadeysay go’aankeeda ku aadan dib u soo celinta Paul Pogba

0
301

Baladweyne(Radio Beerlula)- Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya in ciyaaryahanka reer France iyo naadiga Manchester United ee Paul Pogba, uu ku soo laabanayo safka Bianconeri mar kale.

Pogba ayaa ka tagay Juventus wuxuuna ku laabtay Manchester United sanadkii 2016, laakiin heerkiisa ciyaareed ayaa si weyn hoos ugu dhacay labadii sano ee la soo dhaafay kaddib markii uu la kulmay dhaawacyo isdaba joog ah.

Magaca Pogba ayaa la hadal haayay inuu ku laabanayo kooxda Juventus, maadaama uu sheegay in ka badan hal jeer inuu u dhaqaaqo loolan cusub ee ah meel ka baxsan Old Trafford.

Hadaba Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay, sida uu daabacay wargeyska Mirror:

“Pogba ilaa iyo haatan waa ciyaaryahan ka tirsan Manchester United, weyna adag tahay in lagu fikiro xilligan”.

“Waan jecel nahay Pogba, waa ciyaaryahan weyn, laakiin waa xilli hore in laga hadlo bar-tilmaameedyadeena mustaqbalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here