Juventus oo dalab 43 milyan oo gini ah ka gudbinaysa weeraryahanka Kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi

0
350

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Serie A ee Inter Milan u gudbiso dalab 43 milyan oo gini ah si ay uga soo qataan Mauro Icardi.

Weeraryananka reer Argentine ayaa mustaqbalkiisa mugdi la galiyey isbuucyadii dhowaan, kaddib markii uu diiday inuu la tababarto kooxda markii uu qilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo maamulka kooxda, iyadoo aan naadiga loo xulan tan iyo 9-kii bishii Febraayo.

Laacibkii hore ee Sampdoria ayaa waqtigiisa garoonka San Siro waxa ay u muuqataa inuu soo gabagaboobay, Warsidaha La Repubblica ayaana soo jeedinaya in Juventus ay diyaar u tahay inay dalab aad u fiican miiska u saaraan.

Juve ayaa la rajeynayaa sidoo kale inay Paulo Dybala u dirto dhinaca Inter heshiis isku bedelasho ah, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina Icardi ayaanan ku qanacsaneyn sheekadaas, sidaasi darteed Bianconeri ayaa ku dari doonta lacag kaash ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here