Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbisay Israa’iil

0
39

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa’iil ay “xasuuq” ka waddo Qasa.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa’iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa’iil ayaa si adag u diidday eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Israa’iil waxay yaqyaqsi ah u diidday been-abuurka dhiigga la daadshay ee ay faafisay Koonfur Afrika,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha waxayna samaysaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.