Kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur oo barbardhac ku kala baxay

0
342

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa barbardhac 0-0 ku kala baxay, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge, kaasoo qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore kulanka adag ee London derby ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ay labada kooxood isku kala bixi waayeen.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii kulanka adag ee London derby ayaa ku soo dhamaaday barbardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood ee Chelsea iyo Tottenham Hotspur, kaddib kulan aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here