Kooxda Atletico Madrid oo lacag rikoor ah kula wareegtay Weeraryahankii Benfica ee Joao Felix

0
314

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain ayaa 113 milyan oo gini kula saxiixatay Weeraryahankii Naadiga Benfica ee Joao Felix.

Atletico Madrid ayaa la saxiixatay Weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix waxaana ay ku soo qaateen Adduun dhan 126 milyan oo euro oo u dhiganta 113 milyan oo gini, iyagoo kala soo wareegay naadiga Benfica isagoo noqday ciyaaryahanka shanaad ee ugu qaalisan taariikhda.

Benfica ayaa xaqiijisay Atletico ay bixisay qiimihii loo baahnaa oo ay ku doonayeen 19 sano jirkaan waxaana kooxda reer Spain ay bixin doontaa 6 milyan oo euro kaddib markii ay ogolaadeen inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska laacibkan oo dhan 120 milyan oo euro.

Kaliya Neymar, Kylian Mbappe, Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele ayaa kaliya lacago ka badan lagu iibsaday Felix.

Felix ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee waa weyn saftay bishii Agoosto waxaana uu dhaliyey 15 gool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Hadda isagu waa da’yarka labaad ee ugu qaalisan kaddib markii ay kooxda Monaco 180 milyan kaga iibisay Paris St-Germain weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappé sanadkii 2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here