Kooxda Barcelona oo qorsheynaysa inay xagaagan la saxiixato difaaca Arsenal ee Nacho Monreal

0
338

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay xagaagan la saxiixato difaaca naadiga Arsenal ee Nacho Monreal.

Dooqeeda koowaad dambeedka bidix ee daafaca Jordi Alba ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda reer Catalan horraantii bishaan, laakiin Tababare Ernesto Valverde ayaa weli isha ku heysa inuu keyd ahaan u keensado daafaca reer Spain.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Alberto Moreno ayaa si weyn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono garoonka Camp Nou, laakiin Wargeyska Sport ayaa warinaya in Monreal uu u dhaqaaqi karo kooxda Barcelona xagaagan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in 33-sano jirkaan uu ku faraxsan yahay inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo si uu u metelo hoggaamiyayaasha horyaalka La Liga, halka sidoo kale uu doonayo inuu la shaqeeyo macallin Ernesto Valverde.

Monreal ayaa heshiiskiisa Gunners waxaa kaga harsan muddo hal sano ah waana la burburin karaa, laakiin Arsenal ayaa doonaysa inay difaaceeda waqtiga dheer lacag ku hesho halkii uu uga tagi lahaa beeca xorta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here