Kooxda Liverpool oo isbedel ku samaysay lambarrada qaar ka mid ah ciyaartoydeeda

0
358

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay qandaraas cusub ka saxiixatay ciyaaryahankeeda Marcus Rashford.

Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u badashay labmarka maaliyadeed ee goolhaayaheeda Alisson Becker, laga bilaabo xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 wuxuu xiran doonaa lambarka 1-aad, halka uu horey u xiran jiray No. 13.

Liverpool ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Chamberlain uu si rasmi ah u goā€™aansaday inuu xirto maaliyada lambarka 15-aad laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub, halka labadii xili ciyaareed uu ku soo qaatay garoonka Anfield uu xirnaa lambarka 21-aad, tan iyo markii uu kaga soo wareegay Arsenal xagaagii 2017.

Chamberlain ayaa Arsenal u ciyaaray sanado badan oo uu ku xirnaan jiray maaliyada lambarka 15-aad, laakiin markii uu u dhaqaaqay kooxda Liverpool wuxuu ogaaday in lambarkaas uu yahay mid loogu tala galay Daniel Sturridge, laakiin ugu dambeyntii waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Sturridge uusan qeyb ka ahaynd safka Reds xili ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here