Kulan ku saabsan daadajinta tubaha qaranka oo lagu qabtay Jowhar

0
295

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayo daadejinta Tubaha Qaranka, iyadoo kulankan ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle,guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibannada Hirshabeelle.

Abuukate cumar maxamed cabdulle dhagey oo ka mid ah xubnaha ka socday  xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ka waramaya ahmiyadda qorshahan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen oo daah furay kulanka ayaa bogaadyay qorshahan daadajinta tubaha qaranka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here