Kumanaan qof oo ka qaxay dagaallada ka taagaan Liibiya

0
354

Baladweyne(Radio Beerlula)- Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dagaallada dib uga soo cusboonaaday koonfurta dalka Liibiya ay horseedeen in kabadan 2000 qof inay ka barakacaan guryahooda halka shacab badan ay weli ku go’doonsan yihiin magaalada.

Dowladda uu caalamka ictiraafsanyahay ee Liibiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 kamid ah ciidammadooda looga dilay dagaalka tan iyo markii toddobaadkii lasoo dhaafay uu duullaanka magaalada Tripoli ku qaaday Janaraal Khalifa Haftar.

Halka ciidammada Haftar ay sheegeen in dagaalka ay kaga dhinteen 14 ciidan.

Midowga Yurub waxay ka codsadeen dhinacyada ku dagaallamaya dalka Liibiya inay xabadda joojiyaan isla markaasna ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka.

Axaddii, Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dhinacyada inay joojiyaan dagaalka, xaaladda banii’aadanimo darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here