Liverpool oo soo bandhigtay qiimaha ay kaga iibinayso Sadio Mane kooxaha doonaya ay ka mid tahay Real Madrid

0
369

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay soo bandhigtay qiimaha ay kaga iibinayso Sadio Mane kooxaha doonaya oo  ay ka mid tahay naadiga Real Madrid.

Reds ayaa madaxa Sadio Mane duldhigtay adduun dhan 200 milyan oo gini, waxaana haddii gacanta laga saaro ay ogolaan doontaa inuu tago Mane.

26-sano jirkaan ayaa bandhig wacan ka sameynaya kooxda Reds xilli ciyaareedkan, waxaana uu horyaalka Premier League kal ciyaareedkan ka dhaliyey 17 gool 13 ka mid ah goolashaas ayaana yimid 18-kii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka.

Macallinka Los Blancos ee Zinedine Zidane ayaa la filayaa inuu xagaagan dib u dhis weyn ku sameeyo shaxdiisa, waxaana warar dhowaan gal ah ay sheegayeen inuu bartilmaameedkiisa koowaad yahay Mane.

Sida uu warinayo Warsidaha El Chiringuito macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in xiddiga reer Senegal uusan iibin karin xagaagan, waxaana madaxda kooxda ay kaga jawaabeen arrintaas qiimaha lagu iibsanayo laacibkan oo dhan 230 milyan oo euro oo u dhiganta 200 milyan oo gini,  isla lacagtaas oo la mid ah  middii rikoodhka ahayd ee Neymar Jr ay ku iibsatay kooxda Paris Saint-Germain sanadkii 2017-kii.

The Spanish TV ayaa sheegaya in Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu go’aansaday inuu siiyo wax walba macallin Zidane si ay kooxdu uga guuleysato El Clasico naadiga ay xafiiltamaan ee Barcelona, si kastaba ha ahaatee waxa uu doonayaa inuu Mane ku soo biiriyo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Perez ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu u soo bandhigo kooxda Liverpool xiddigaha sida Gareth Bale, Marco Asensio ama James Rodriguez si ay qeyb uga noqdaan heshiiska.

Mane kaasoo kooxda Klopp ka mid ah tan iyo sanadkii 2016-kii ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah qalinka ku duugay bishii October, qandaraaskaasoo garoonka Anfield ku sii hayn doona illaa sanadka 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here