Madaxweynihii hore Barcelona ee Joan Laporta oo sheegay sababta ay kooxda ugu dhiban tahay tartanka Champions League

0
407

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynihii hore kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay in Blaugrana ay qaab isku mid ah kaga harto tartanka Champions League laba xili ciyaareed xiriir ah.

Dhinaca kale Joan Laporta ayaa wuxuu si kulul u weeraray maamulka sare ee haatan kooxda Barcelona, sababa la xiriira inay ka tageen falsafada aasaasiga u ahayd kooxda.

“In ka badan koox, kaliya ma ahan hal-ku-dhig, ee kaliya waa mabaadi’da asaasiga ah, tani waa qaabka kubadda cagta ee dhabta ah ee aan horey kaga baranay Johan Cruyff”.

“Waxaan ku duulaan tagi jirnay barbaarteena akaadiimiyada, laakiin haatan way ka weecatay kooxda aritaas”.

“Ma jirin isku xirnaan ah ciyaar kooxeed, hadii ay kooxda guuleysato waxaa ka caawin jiray hal shaqsi oo kaliya, markaad ku guulaysato koob, taasi waxaa sabab u ah dadaal kooxeed iyo soo bandhigida qaab ciyaareed dhab ee kubadda cagta ah”.

Si kastaba ha ahaatee, xiligii uu madaxweynaha ka ahaa Joan Laporta kooxda Barcelona, Blaugrana ayaa ku guuleysatay in ka badan 50 koob ee rasmi ah, uu qeyb ka ahaa tartanka Champions League oo ay ku guuleysteen sanadihii, 2006, 2009 iyo koobab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here