Madaxweynaha Ghana oo codsi u dirsaday laacib kubbadeed

0
371

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Ghana ayaa ku baaqay in uusan ciyaaraha ka fariisan Asamoah Gyan, ka dib markii uu ninkaasi sheegay in uu ka fariisanayo ciyaaraha xulka qaranka.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo oo khadka taleefanka kula hadlay Gyan Talaadadii ayaa ugu baaqay in uu ka laabto go’aanka uu uga fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, isaga oo eegaya danta qarankiisa isla markaasna uu ogolaado in uu xulashada ku soo daro tababare Kwesi Appiah.

Gyan ayaa Twitterka ku xaqiijiyay in uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha, wuxuuna intaas ku daray in go’aanka maanta la shaacin doono.

Waa ciyaartoyga ugu goolal dhalin badan xulka qarankiisa Ghana, dadka ciyaaraha gorfeeya ayaa qaba in uu door muhiim ah ka ciyaari karo Koobka Qarammada Qaaradda Afrika ee dhacaya bisha soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here