Miyey Real Madrid sameyn doontaa saxiixyada Pogba iyo Hazard?

0
387

Baladweyne(Radio Beerlula)- Daafaca reer France iyo kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa wuxuu daaha ka qaaday xaqiiqada ku aadan suurtagalnimada uu xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Paul Pogba iyo Eden Hazard ay ku imaan karaan garoonka Santiago Bernabéu.

Pogba ayaa magaciisa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid xagaagan, gaar ahaan kaddib markii uu ciyaaryahanka sheegay inuu ku rajo weyn yahay u ciyaarista Los Blancos, iyo inuu la shaqeeyo tababaraha reer France ee Zinedine Zidane.

Raphael Varane during the interview with MARCA, which will be...

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sidoo kale qiray inuu ku la dhacsan yahay xiddiga Faransiiska ah ee Paul Pogba, taasoo ka dhigeysa in qof walba uu filayo in xidiga khad dhexe u maamula Man United uu ku biiri doono safka Los Blancos xagaagan, gaar ahaan maadaama la fahansan yahay inuusan ku faraxsaneyn joogitaankiisa Red Devils.

Hadaba Raphael Varane oo ka hadlayay suurtagalnimada ay labada xiddid ee Paul Pogba iyo Eden Hazard ku imaan karaan garoonka Santiago Bernabéu ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan la sheekeystay Pogba, laakiin ma sheegi karo wixii aan u sheegay”

GettyImages-1052584256

“Laakiin ciyaaryahan kasta oo weyn, waa hubaal inuu boos ka helayo Real Madrid, Los Blancos mar walba waxaad ka heleysaa tartan ku aadan dhamaan xarumaha kala duwan ee kooxda”.

“Real Madrid waxay la saxiixan kartaa Pogba, waxaana jira warar badan ee ku saabsan, waxaan arki doonaa waxa dhaca bisha August”.

“Waxaan garanayaa Eden Hazard tan iyo intii aan joogay kooxda Lens, waan hubaa inuu yahay ciyaaryahan meel sare ka gaaray kubadda cagta, sidaan horey u sheegay, ciyaaryahan kasta ee weyn wuxuu boos ka heli karaa kooxda Real Madrid”.

“Hazard wuxuu ku jiray xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, markii aan ku wajahnay semi-finalka Koobka Adduunka, waan ogeyn inaan heysano qorshe khaas ah ee aan ku joojin karno isaga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here