Manchester United Iyo Real Madrid Oo Lagu Qabsaday Difaacii Ay Isku Haysteen Ee Leny Yoro

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa lagu qabsaday difaaca dhexe ee reer France ee Leny Yoro oo u dheela Lille OSC oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay, kaas oo usbuucyadii ugu dambeeyey safka hore kaga jiray hadal-haynta xiddigaha lala xidhiidhinayo labadan kooxood.

18 jhirkan oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada xilli-ciyaareedkan, ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid yahay difaacyahannada ugu wanaagsan ee qabsan doona kubadda cagta Yurub sannadaha soo socda, waxaana uu diiradda Real Madrid ku jiray dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey.

Los Blancos oo raadinaysa difaac dhexe oo xagaaga ay safkeeda kusoo kordhiso, sidoo kalena Kylian Mbappe iyo Alphonso Davies ay rajaynayaan inay qandaraasyadooda dhamaystiri doonaan ayaa waxa hore Leny Yoro ugu tartameen Manchester United oo dhawr jeer masuuliyiin u dirtay inay soo daawadaan laacibkan oo ciyaaraya.

Sida uu qoray wargeyska Evening Standard, kooxda reer London ee Chelsea ayaa hadda soo gashay tartanka Leny Yoro oo si weyn u doonaysa, waxaanay doonayaan inay ka hor qaadaan Real Madrid iyo Manchester United.

Waxa kale oo laacibkan xiisaynaysa kooxda horyaalka Faransiiska ee PSG, hase yeeshee naadiyada badankooda waxa dhibaato ku ah lacagta ay dalbanayso Lille OGC oo ah €100 milyan oo Euro.