RASMI: Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexday Ben White

0
92

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu heshiis cusub u saxeexay difaaca reer England ee Ben White ooq alinka ku duugay qandaraas kooxdaas kusii haynaya muddo afar sannadood ah oo kale.

Ben White oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Mikel Arteta iyo Edu ayaa saxeexay heshiis cusub oo socon doona illaa laga gaadhayo sannadka 2028.

Mikel Arteta oo ay kooxdiisu hoggaaminayso hroyaalka Premier League oo ay toban kulan ka hadhsan yihiin, isla markaana usoo baxday wareegga siddeedda Champions League markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2010, ayaa waxa ay heshiis cusub ku abaal-marisay Ben White oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada.

Qandaraaska cusub oo Ben White, ayaa waxa kale oo lagu daray qodob dhigaya, in Arsenal ay dookh u haysato inay muddada ku kordhiso 12 bilood oo kale oo dheeraad. ah.

Mushaharka uu qaato Ben White oo hadda ah £80,000 Gini, ayaa laba-jibbaar noqon doona, waxaana uu liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan kula biiri doonaa Martin Odegaard, William Saliba, Gabriel, bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli oo dhamaantood heshiisyadooada la kordhiyey sannadkii hore, isla markaana qaata £150,000 Gini toddobaadkii.

26 jirkan ayaa Arsenal ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Brighton xagaagii 2015, waxaana waqtigaas uu ka dheeli jiray difaaca dhexe, hase yeeshee Mikel Arteta ayaa ku tijaabiyey difaaca midig oo uu kusoo baxay illaa haddana uu uga dheelo Gunners.