Manchester United oo dalabkeedii labaad ka gudbisay Frenkie de Jong

0
160

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wargeyska Spain ka soo baxa ee Mundo Deportivo, ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay dalab cusub u soo bandhigtay Barcelona, si ay ula soo saxiixato xiddiga reer Holland Frenkie de Jong, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Barcelona ayaan wax dhib ah ku qabin in ay iibiso xiddiga reer Holland hadii uu la yimaado dalab ku haboon xagaagan iyada oo la eegayo dhibaatada dhaqaale ee kooxda ay haatan ku jirto.

Manchester United ayaa dalabkii ugu horeysay ka gudbisay xiddiga reer Holland, kaasoo ku kacaya 60 million euros, iyadoo ay intaas u dheer tahay gunnooyinka, laakiin Barcelona ayaa diiday dalabkaas.

Wargayska ayaa warbixintiisa ku tilmaamay in kooxda Red Devils ay go’aansatay in ay sarre u qaado dalabkeeda si ay Barcelona ugu qanciso in ay xiddigan iska iibiso, iyada dalabkeeda labaad gaarsiisay 75 million euros, marka lagu darro lacagaha gunnooyinka oo aan faahfaahintooda la shaacinin.

Haddii ciyaaryahanku ogolaado fikradda ah inuu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford, Barcelona ayaa la filayaa inay aqbasho dalabka labaad ee Manchester United, sababtoo ah wuxuu aad ugu dhow yahay dalabaadkeeda dhaqaale ee u dhaxeeya 80 ilaa 100 million.