Maraykanka oo Turkiga uga digay gadashada gantaallo uu ka baqayo

0
349

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa Turkiga uga digay gantaallada uu Ruushka ka iibsanayo ee S-400 ee lidka diyaaradaha, kaas oo Washington ay u aragto in uu halis ku yahay diyaarradaha Maraykanka.

Wuxuu sheegay “in ay waajib tahay in Turkigu” uu kala doorto in uu sii ahaado xubin muhiim ah oo gaashaan buurta Nato ka tirsan ama uu halis galiyo ammaanka saaxiibtinimadaas “isaga oo qaadaya tallaabo taxadar la’aan ah”.

Turkiga ayaase ku jawaabay in heshiiska ay ku gadanayaan gantaaladaas uu yahay heshiis horay horay loo gaaray.

Ankara ayaa calaaqaad dhaw la samaysanaysay Ruushka ka dib markii uu dhawaan xumaaday calaaqaadkii uu la lahaa Maraykanka iyo Yurub.

Turkiga ayaa ciidammada labaad ee ugu badan ku leh ururka Nato oo ah gaashaan buur ay ku midaysan yihiin 29 dal, kaas oo loo aasaasay in la isaga difaaco Midawgii Soofiyeet.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here