Mareykanka oo raadinaya xal u ku Xakameyo Qulqulka soogalootiga ku sugan Xuduudda Koofureed.

0
94

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xal u raadineyso Xakameynta Qulqulka soogalootiga ah ee ku sugan Xuduudda Koofureed ee Dalkaas kaddib markii uu dhammaaday waqtigii Xayiraadda Safarka ee Covid-19.

Xukuumadda Washington ayaa diiradda saareysa in ay xal u hesho sidii ay u celin lahayd Dadkaan sida sharci darrada ah raba in ay u galaan Mareykanka iyaga oo qiil ka dhiganayaa dhibaatooyin ay sheegeen in ay ka jiraan Dalalkooda.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la diyaariyay in la dhigo Xuduudda Dalkaan uu la wadaago Maksiko (Mexico) si ay dib ugu celiyaan Dadka u badan Dhalinyarada ee Ragga iyo Dumarka isugu jira ee damacsan in ay kasoo tallaabaan gidaarka kala qaybiya labada Dal.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa ku mashquulsan qorshooyinka lagu xadidayo Dadkaan maadaama Waddanka ay xadka wadaagaan ee Kanada (Canada) ku diidday in ay qaabisho soogalootiga usii gudba Dalkaas.

Hay’adaha la socda dhaqdhaqaaqa soogalootiga ayaa ku doodayaa in kumanaan ruux ay ku jiraan safar dheer oo isaga kala gudbayaan Waddamada dhaca Koofurta iyo Waqooyiga Qaaradda Ameerika si ay u saldhigtaan Mareykanka.