Mid kamid ah dhaqaatiirta Baladweyne oo ka digay cudurada ku dhaca maqaarka

0
15

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dr Aadan Yuusuf Xuseen oo kamid ah dhaqaatiirta Baladweyne oo u waramay Radio Beerlula ayaa bulshada ugu baaqay ineey ka digtonaadaan cudurada ku dhaca Maqaarka kadib markii Kiisas kamid ah cudurka Bus buska laga helay bukaano badan oo ku nool xaafadda Hoolwadaag ee magaalada Baladweyne.

Cudurada ugu badan ee hadda lagu arkay bukaanada ayaa waxaa kamid ah Bus-buska,nabraha maqaarka iyo burukeetada kuwaasi oo loo badaniyo inuu sababay kuleelka badan ee jira

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin