Munaasabad lagu caleemo saarayo guddoomiyaha ciyaaraha xaafadda Kooshin oo lagu qabtay Baladweyne

0
428
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabaddan oo aheyd mid lagu caleemo saarayay guddoomiyaha ciyaaraha xaafadda kooshin ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay khuburo dhanka ciyaaraha ku xeel dheer, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha  ciyaaraha xaafaddda Buundo weyn iyo wakiilo matalay xaafaddaha kale ee  Baladweyne oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa  guddoomiyaha cusub ee xaafadda kooshin ku booriyay inuu ka soo dhalaalo waajibka saaran.

Guddoomiyaha ciyaaraha xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne Axmed faarax cumar istuur ayaa sheegay in  uu hormarin doono ciyaaraha xaafada kooshin isaga oo ka codsaday  dhalinyarada kale in ay la shaqeyaan.

Warbixintan waxaa noo heysa Kowsar Khalif Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here