PSG Oo Champions League Ka Reebtay Barcelona, Dortmund Oo Garaacday Atletico Iyo Kooxihii Spain Oo Hawada Lagu Dubtay

0
57

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund ayaa usoo gudbay semi-finalka tartanka Champions League oo ay iyagu ku ballameen kaddib markii ay garaaceen kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid oo hal habeen ka wada baxay saaxadda Champions League.

PSG ayaa waxa ay 4-1 ku garaacday toban ciyaartoy oo Barcelona ah oo joogay garoonkooda, kuwaas oo qaybtii hore uu casaan toos ah ka qaatay laf-dhabartooda difaaca ee Ronald Araujo oo sameeyey qalad doqonnimo ah.

Borussia Dortmund ayaa iyaduna waxa ay 4-2 ku karbaashtay Atletico Madrid oo marti u ahayd, isla markaana labadii qaybood ee ciyaarta, iyadoo Diego Simeone uu garan waayey wax uu sameeyo oo uu marba cadho dibnihiisa calashanayey.

Labada kooxood ee reer Spain ee la garaacay ayaa waxa ay ka sinnaayeen in lugtii hore ay mid walba guul soo gaadhay, laakiin laga itaal-roonaaday oo guul-darrooyin culculus loo xambaariyey lugtii labaad.

Ciyaarta sida weyn loo sugayey ayaa ahayd kulankii Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo dad badan ay saadaalinayeen in kooxda reer France ay hadhayso mar haddii lugtii hore lagaga adkaaday garoonkeeda, waxaana waqti hore gool kaga naxsatay Barcelona oo uu hoggaanka u dhiibay Raphinha oo baas dahabi ah ka helay Lamine Yamal.

Daqiiqaddii 12aad ayaa Barcelona ay keentay goolka koowaad oo ay isku-darka natiijada labadii ciyaarood ka dhigtay 4-2, hase yeeshee Ronald Araujo ayaa qalad uu ku galay da’yarka Barcola waxa lagu siiyey casaan toos ah daqiiqaddii 29aad, kaddib markii uu jalaafeeyey da’yarkan oo xerada ganaaxa lasii gelaya kubadda.

Ciyaartan halbowlaha ah ee ka baxay ayaa Barcelona u horseeday burbur iyo niyad-jab weyn, waxaana furantay khadkooda dhexe iyo difaaca halka Xavi Hernandez uu ku qasbanaaday inuu difaac kale keeno maadaama ay PSG haysato weeraryahanno halis ah.

Xavi ayaa saaray Lamine Yamal oo halis badan ku hayey PSG oo uu garabka midig ka dhibayey, waxaana halkaas fursad ku heshay PSG iyadoo Achraf Hakimi uu usoo guuray afka hore.

Daqiiqaddii 40aad ayaa kubbad uu Barcola kasoo jabiyey dhinaca midig, waxa goolka ku taabtay Ousmane Dembele oo aan wax naxariis ah u muujinin kooxdiisii hore, isaga oo lugtii horena gool ka dhaliyey.

Qaybtii labaad ayay PSG sii xoojisay weerarka maadaama ay ogaayeen in Barcelona ay toban ciyaartoy ku dheelayso, waxaana gool labaad u dhaliyey Vitinha oo bannaanka ka toogtay darbad xooggan, natiijadana ka dhigay 2-1, taas oo wadarta guud ee isku darka labadii lugood ka dhigtay barbarro 4-4 ah.

Kylian Mbappe ayaa intaas kaddib la wareegay dhalinta goolasha, waxaana uu shabaqa ku hubsaday rikoodhe loo dhigay PSG oo Joao Cancelo uu qalad ku galay Ousmane Dembele, halka dhamaadka ciyaarta ooay hal daqiiqo ka hadhsan tahayna uu Mbappe saxeexay gool labaad.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay semi-finalka ugu soo gudubtay 6-4 ay kaga adkaatay Barcelona, waxaanay semi-finalka wada ciyaari doonaan Borussia Dortmund oo 4-2 kaga adkaatay Atletico Madrid oo lugtii horena ay kusoo kala baxeen 2-1 ay guul ku-meelgaadh ahayd ku haysatay kooxda tababare Diego Simeone.

Daqiiqadihii 34aad iyo 39aad ayay Borussia Dortmund laba gool oo daran-doorri ahaa la timid, waxaana u kala dhaliyey Julian Brandt iyo Ian Maatsen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Atletico Madrid soo noolaatay oo ay laba gool oo degdeg ahaa la timid isla markaana u qaadatay inay guuleysanayso, waxaana daqiiqaddii 49aad gool isku qabtay difaaca Dortmund ee Mats Hummels halka Angel Corea uu keenay goolka labaad.

Laakiin Dortmund oo dhimasho ka xigtay in ay guul-darraysato, ayaa laba gool ugu jawaabtay waxaana daqiiqadihii 71aad iyo 74aad u kala dhaliyey Niclas Fullkrug iyo Sabitzer, waxaanay sidaas guushu 4-2 ugu raacday Dortmund, iyadoo isku-darka labadii lugoodna ay noqonayso 5-4.