Roobab mahiigana iyo daadad soo rogmaday oo dad ku dilay Tansaaniya

0
17

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ku dhawaad 60 qof ayaa ku dhintay tan iyo bilowga bishan Abriil roobab mahiigaan ah iyo daadad soo rogmaday oo ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah Tansaaniya sida ay dowladdu sheegtay.

Daadadka ayaa waxyeelo weyn gaarsiiyey kumannaan beero ah oo ku yaala dalkaasi, Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda, ayaa sidaasi sheegay.

“Saameyn halis ah ayaa ka dhacday gobolka xeebta halkaas oo 11 qof ay ku dhinteen,” ayuu intaas ku daray Matinyi.

Wuxuu sheegay, ilaa hadda kontan iyo siddeed dhimasho ah laga diiwaan geliyay dalka oo dhan.